Caqabado ka jira Xaflada qaban qaabada caleema saarka Madaxweyne Muxamed Cabdullaah Farmaajo + warbixin!!

Madaxweynaha la doortay ee  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu xilka la wareego, lana caleema saaro, iyadoo ay meesha ka maqan tahay doorkii Wasaaradda Arrimaha dibadda ee hab maamuuska caleema saarka kadib markay cadaatay Wasaradaas Howlaheeda Inay Itoobiya la wareegtay sanad ka hor.

Xilligan oo la qaban-qaabinayo Xafladaha Xilwareejinta Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , ayaa sidoo kale la abaabulayaa xafladda caleema saarka Madaxweynaha la doortay.

Qaban qaabada xafladda caleema saarka ayey ka jirtaa caqabad weyn kadib markii la waayay Agaasinka guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo howshan hormuud u noqon lahaa, taasina waxaa sabab looga dhigayaa in muddo ku dhowaad sanad Wasaaraddaasi ay ku jirtay xaalad u eg burburin, waxaana muran la geliyay Xoghayihii joogtada Wasaaradaasi oo waajibaadkii iyo shaqooyinkii uu lahaa la wareegay Wasiir kuxigeenka oo u shaqeeya hab Xoghaye iyo Agaasime, halka Wasiirkii Wasaaraddaasi uu saldhigtay Magaalada Nairobi, muddo ku dhowaad 9 bilood aan ka howlgalin Xafiiskiisa ku dhex yaala dhismaha qurxoon ee Wasaaraddaasi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay casuumaado u kala dirto Madaxda wadamada saaxibka la Soomaaliya, si gaar ah kuwa ku jira urur goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta, Turkiga iyo kuwa kale.

Warar  aan la xaqiijin ayaa sheegaya in howsha qaban qaabada xafladaha xil wareejinta iyo caleema saarka loo xil saaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi Amb. Jamaal Maxamed Xasan, kana mid ah Diblomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, wali lama shaacin waqtiyada ay kala dhacayaan xaflada xil wareejinta iyo caleema saarka.
Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaan jiray shaqaallaha iyo diblomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhaxeysay 1982-1989 ayaa looga fadhiyaa inuu horumariyo siyaasadda dibadda , xoojiyana xiriirka gobolka iyo midka caalamka, lana soo celiyo heybadda iyo karaamadii Magaca Soomaaliyeed, mas’uuliyadna la iska saaro sidii loo ilaalin lahaa muwaadin kasta oo Soomaali ah oo dibadda ku nool oo ay ka mid yihiin dhalinyarada ku eedeysan falal burcad badeednimo ee ku xir xiran wadamo ku kala yaalla Asia iyo Afrika, kuwaas oo ay dayacday dowlada hada gobalkeeda sii dhacaaya sidoo kale joojinta dhiigga Soomaaliyeed ee ku qubanaya dalka South Africa .

Madaxweynaha cusub ayaa waxaa laga sugayaa inuu dejiyo siyaasad xad u yeeleysa Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo ka tallaaba qarannimada iyo madax banaanida Soomaaliya, kuna xadgudba xeerarka iyo siyaasadda dibadda Soomaaliya, iyaga oo marti u noqda dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo ay ugu ambabaxaan safarro aan cadeyn qorshahooda , kuna dhaawacaan heybadda dowladnimo ee Soomaaliya.

Barnaamijka siyaasadeedka Madaxweynaha cusub ee ah “ Nabad iyo Nolol” oo saldhig u aheyd halkudhigga doorashadiisa “ Danta, Dalka iyo Dadka” ayaa la filayaa inuu diiradda saaro nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, la dagaalanka musuq maasuqa, dib u dhiska iyo horumarinta dalka, shaqa abuurka, dhismaha iyo qalabeynta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (X.D.S), dhammeystirka dastuurka iyo afti u qaadidiisa, Maxkamadda Dastuuriga, wadahadaladda Somaliland, dhiiri gelinta Maalgashiga, wax soo saarka beeraha, Kalluumeysiga iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Comments

comments