Madaxweyne Erdogan oo khadka telefanka kula soo xiriiray Muxamed C/ Farmaajo (Maxay ka wada hadleen?

Madaxweynaha dowlada Turkiga Reccep Dayib Erdogan ayaa khadka telefanka kula soo xiriiray Maxamed C/llaahi Farmaajo oo loo doortay in uu Hogaamiyo Dalka Soomaaliya.

Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey madaxweyne Farmaajo guusha uu ka gaaray doorashada Soomaaliya, wuxuuna xusay in doorashadaas ay muujineyso in Soomaaliya ay cagta saartay wadada nabada, Dimoqraadiyada iyo Horumarka.

“Waxaan diyaar u nahay inaan kula shaqeyno, waajibaadkana, gacan kugu siino sida aan ula shaqeyn jirnay madaxdii kaa horeysay, dowlada Turkiga wey sii wadi doontaa taageerada ay siiso dowlada iyo shacabka Soomaaliyed” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Erdogan xiriirka uu la soo sameeyey, wuxuuna xusay in shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan shacabka TURKIGA iyo dowlada Turkiga oo uu xusay iney mar kasta garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda arrimaha dibeda Turkiga qoraal ay shalay soo saartay ku sheegtay in dowlada wadankaas ay soo dhoweyneyso isbedelka ka dhacay Dalka Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha cusub.

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada ugu waaweyn ee taageera dowladda Soomaaliya, wuxuuna dalka Soomaaliya ee ka hirgeliyeen mashaariic sanadihii la soo dhaafay iyo horumarimo oona ay ka mid yihiin isbitaalo, Iskuulo, dhismaha wadooyin cusub iyo qaar kale sidoo kale taa kulaynta Waxbarsho mid Ciidan iyo mid farsamo.

Comments

comments