Beesha belweynta Hawiye oo u tartameysa Xilka Ra’isul Wasaaraha iyo labo Qabiil oo isku heesta!

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa marka uu xilka si rasmi ah ula wareego kadib in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, waxa uuna kasoo dhax xulan doonaa Beelweynta Hawiye oo xilkaasi saami ahaan u heshay.

Qabiilada Beelaha Hawiye ayaa durba bilaabay in ay isku garbiyaan xilka R/Wasaaraha ayna dadaal u galaan sidii ay beel walbo kursigaasi u heli laheed, waxaana magaalada Muqdisho ka bilowday kulamo arimahaasi beelaha uga hadlayaan.

Beelaha Habar Gidir iyo beesha Abgaal ayaa durba magalaada Muqdisho ka bilaabay kulamo beel walbo ay uga arinsaneyso sidii ay ku heli laheed kursiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ah kursi kawada dhaxeeya beesha Hawiye.

Xildhibaanada labada Aqal ee beelahaasi ugu jira Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin ayaa siyabao kala duwan kulamo ugu yeeshay Hoteelo ku yaala magaalada Muqdisho, waxa ayna isku raaceen xubnahaasi in ay xooga saaraan sidii ay kursigaasi ku heli lahaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga sugayaa marka uu sal dhigto Villa Soomaaliya in beesha Hawiye kasoo dhax xusho shaqsiga noqonaya Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynaha intii uu ololaha ku jiray beelaha qaar u sameeyay balan qaadyo uu u fulinayo hadii uu guuleesto.

Xubnaha hada la haayo in loo magacaabayo R/Wasaaraha Soomaaliya waxaa ku jiraan Musharaxiin la tartantay Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaano katirsan labada aqal oo kaalin weyn iyana ka qaatay guushii Farmaajo uu gaaray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sadaalinayaa in R/Wasaaraha Soomaaliya uu kasoo dhax xusho labadaan beelood oo kor kusoo sheegnay midkood, labadaan Beel mid ka mid ah ayaan ah kuwa ugu weyn ee dega magaalada Muqdisho.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in uusan kusoo xuluan shaqsiga uu R/Wasaaraha ka dhiganayo beesha uu kasoo jeedo balse ku doorto waxtarakiisa , Wadaniyadiisa iyo aqoontiisa.

Waxaa jiraan Dhabalifyo Itoobiya oo ka mid ahaay Dagaal ooga yaashii Soomaray Xamar

Comments

comments