Akoonadii Bankiga Dhexe ee Dowladda Hoose iyo Wasaaradaha Xukuumadda oo la xanibay!!

Dhaq dhaqaaqii Akoontooyinka Bangiga Dhexe ee Hey’addaha dowladda ayaa si KMG ah loo xayibay, inta lagu guda jiro, xilliga kala guurka iyo kala wareega xilka dowladda cusub ee Soomaaliya.

Warar ay heleyso (Kowrtharmedia.com) ayaa sheegaya in inta badan Akoonadii Dowladii hore ee Bankiga Dhexe ay ku lahaayeen hey’adaha dowladda la xanibay, sida Dowladda Hoose ee Xamar iyo qaar ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumadda Soomaaliya.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegeysa in amarka lagu xanibay dhaq dhaqaaqyada Akoontooyinka uu bixiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxaa la hakiyay in hey’adaha dowladda ay akoono gaar ah ka sameystaan Shirkadaha xawaaladaha iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in inta lagu guda jiro, xilliga kala guurka aanay dhicin xatooyo hantida dowladda, kaddib markii sanadkii hore lacago malaayiin dollar ah lagala baxay Qasnadda Bankiga Dhexe.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee loo qaado ilaalinta hantida qaranka, iyadoo Madaxweynaha cusub markii la dhaariyay uu balan qaaday inuu la dagaalami doono Musuq maasuqa, isla markaana ilaalin doono ammaanada qaranka soona celin doonyo intii laxaday.

Comments

comments