Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab oo maalmaha soo socda laga sugayo magaalada Baydhabo + warbixin!!

Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlayey warar soo baxay maalmahan oo sheegayay in afhayeenkii hore ee shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo isku dhiibayo maamulkaas

Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqanka celinta Maleeshiyooyinka ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen Xasan(Eelaay) ayaa sheegay in maamulkooda maalmaha soo socda uu gacmo furan kusoo dhaweyn doono Afhayeenkii Hore ee Xarakada shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Xasan (Eelaay) ayaa intaa ku daray in wada-hadalo muddo dheer u soo socday labada dhinac haatan la soo gebagebeeyey, Abuu Mansuur maalmaha soo socda uu iman doono magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sheegay wasiirku in Abuu Mansuur ay la socdaan ciidamo kala tirsanaa shabaab, ayna amaankooda sugi doonaan ciidamada maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Abuu Mansuur oo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyey hogaamiyihii la dilay ee Shabaab Axmed Godane ayaa sanadahan dambe waxaa ku noolaa degaano ka tirsan Koonfur galbeed isagoo ay la socdaan iyo ciidamo yar oo taabacsan, waxaana horey u soo baxay warar sheegayay inuu isaga baxay shabaab inkastoo uusan isagu ku dhawaaqin.

Haddii uu dhab noqdo warkan sheegaya in Abuu Mansuur uu iska dhiibayo magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu noqon doonaa sarkaalkii ugu sareeyey shabaab ee isku soo dhiiba dowlada Soomaaliya.

Comments

comments