Madaxweyne Farmaajo oo magacaabaya xilalkii u horeeyay ee Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya!!

Iyadoo maalinta berri ah lagu wado in Madaxweyne Farmaajo la wareego Xafiiska Madaxtooyada, ayaa waxaa soo baxaya shaqsiyaad loo calaamadeynayo xilalka ugu sareeya ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Shaqaalihii hore ee la soo shaqeeyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isu diyaarinaya inay faarujiyaan Madaxtooyada, waxaana xilalka ay baneynayaan ay yihiin kuwo loo wada ordayo oo cid walba ay dadaal ugu jirto inay buuxiso.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu magacaabo xilalkii u horeeyay Madaxtooyada, sida Agaasimaha Madaxtooyada, Madaxa Hab maamuuska, Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabi doono Taabit Cabdi Maxamed oo ahaa Safiir kuxigeenkii Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, haatan ka mid ah howl wadeenada Madaxweyne Farmaajo.

Taabit ayaa horay u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada, waxaa lagu tilmaamaa nin shaqo badan, oo horay wax badan soo qabtay, intii uu Madaxtooyada joogay, waana sababta Madaxweyne Farmaajo xilkaas ugu magacaabayo, maadaama uu yahay nin aqoon u leh Madaxtooyada howlaheeda.

Sidoo kale waxaa iyana la filayaa in Taliyaha Madaxtooyada loo magacaabo Jen. C/llaahi Cali Caanood oo horay xilkaas hayay xilligii uu Madaxweynaha ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa socda galaan gal badan oo loogu jiro xilalka Madaxtooyada oo noqon doona kuwa ugu horeeyay ee Madaxweynaha magacaabi doono, waxaana dad badan ay daneynayaan inay ka ag-dhawaadaan Madaxweynaha oo ay noqdaan gacan-yareyaashiisa.

Dhalinyaro badan ayaa daba ordaya Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo ahaa kooxdii Ololaha kala qeyb qaadatay, dad badan ayaa su’aal gelinaya aqoonta iyo waayo aragnimada dhalinyaradaas oo hada u shaqeeya qaab uu is bar bar-yaac, waxaana ay ku jiraan boos kala riixasho.

Comments

comments