Madaxweynaha Soomaaliya Muxamed Cabdullaahi Farmaajo meesha aad kala xariiri lahayd oo aan kuu hayno!!

Madaxwayne Farmaajo oo aan caawa la kulmay ayaa iiga waramay dhawr arrimood oo uu doonayo in uu dalka ku hogaamiyo.
1- In afarta sano ee soo socota uu u shaqeeynayo Shacabka Soomaaliyeed balse aanu ka shaqaysanaynin.
2- In uu ilaalinayo amaanada shacabka Soomaaliyeed.
3- In uu isku xirayo shacabka iyo dawladda si loo helo dawladnimo taam ah.
4- In uu dhisayo islamarkaana maalgalinayo Hay’adaha cadaalada iyo kuwa amaanka.
5- In la sameeyo hab loo heli karo kalsooni ay dadku dawladooda ku gacansiin karaan si loo tuso caalamka in dawlad shacabku dhistay ay ka hanaqaaday Soomaaliya.
6- In awooda dawladu gaarto dhamaan gobolada dalka Soomaaliya oo la arko canshuuraha badda iyo barriga oo si isku mid ah ugu soo xaroonaya khasnadda ama banka dhexe ee dawladda Soomaaliya.
Waxaa uu talo waydiistay shacabka Soomaaliyeed isagoo ka codsaday in xumaanta iyo dacaayadaha aan wanaagsanayn ku badaleen talo wax dhismo oo dalka Soomaaliya ka badbaadin karto dib u dhac kale.
Wixii talo ah dheeri ah halkaan ku soo gudbiya adinka oo qaadanaya talada Madaxwaynaha.
Share gareeya walaalayaal si fariintani cid walba u gaarto.

Ciwaannka Talowadaag@farmaajo2016.com waxii fariimo iyo talo ah ugu reeba Ciwaankaan u gaarka ah

Comments

comments