Sh’Mohamed Idris oo Codsi udirsaday Wax magaratada xeratay Wariye Halyeey Cabdi Maalik Coldoon!

Sh’Mohamed Idris oo qoraal gaaban uu kaga hadlaayo sida ee u xad gudbeen Ciidanka reer Marqaan land iyo waxaa kale uu sheegay inay garanayn saxaafada xurta inay extaraamaan waxa uuna ka codsaday inay siidaayan.

“Shalay iyo maanta safar Xarigga Weriye Coldoon!
Shalay iyo maanta safar ayaan ku jirey, waxaanan maqlay xarigga weriye Cabdimalik Coldoon. Weriye Coldoon, si toosa isuma aanan baran, laakiin adduunka maanta warbaahinta aan xuduuda lahayn iyo baraha bulshadu ku xiriirto ayaa dadka is bartay.. waxaanan ku bartay isagoo wanaag badan fidinaya ama soo tebinaya..
Anigu waxaan ka mid ahayn dadka taageersan oo had iyo goor xusa ama bogaadiya, wanaaga badan ee jamhuuriyadda somaliland ka hirgalay muddadii 25 sano ee lasoo dhaafay.. waayo waxaan ogahay Hargeisa horraankii 1993 iyadoo weli gurya badan saqafku ka maqanyahay, maantana waa caasimad quruxdeeda iyo horumarkeeda lagu farxo, oo lagu faano..
Waxaan filayaa Jamhuuriyadda Somaliland waxba u dhimi meyso tegitaanka coldoon uu tegey Muqdisha, laakiin xariggiisu waxbuu ka bi’in karaa, isagana wax buu tarayaa.
Sidaa awgeed waxaan si xushmad iyo qaddarin leh uga codsanayaa madaxweynaha, iyo wasiirka madaxtooyada iyo madaxda kale ee jamhuuriyadda Somaliland, oo in badan aanu saaxiib nahay, wanaagoodana aan jeclahay, in la sii daayo weriye Cabdimalik coldoon..
Ilaahayna waxaan uga baryayaa Madaxda inuu khayrka waafajiyo.”

Comments

comments