Dowladda ku Kuwait oo Soomaaliya u soo dirtay diyaarad gar-gaar sida (Daawo Sawirro)

waxaa maanta garoonka Magaalada Hargeysa ee Dalka Soomaaliya soo caggo dhigtay Diyaaradii ugu horeesay oo soo caawiso Dadka Ku nool Gobolada Dalkeyna Soomaaliya.

Dowlada Kuwait ayaa noqotay dowladii ugu horeysay oo gargaar u soo dirtay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku saameeyeen qeybo ka mid ah Guddaha Soomaaliya.

Garoonka dayuuradaha magaalada Kuwait city ayaa waxaa maanta ka soo duushay dayuurad sida qeybtii ugu horeysay ee gargaarka dowlada Kuwait ugu talo gashay dadka ku tabaaleysan Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo saxaafadda kula hadlay Garoonka inta aanay diyaaraddu hawada gelin, waxa uuna mahad ballaaran u jeediyay Amiirka, Xukuumadda iyo Shacbiga dalka Kuwait sida ay uga jawaabeen baaqii dowlada Soomaaliya ee ku aadanaa in malaayiin Soomaali ah ay qarka u saaran yihiin macluul, sidaa darteedna loo baahan yahay in lala gaaro gargaar deg deg ah.

Dayuuraddii ugu horeysay ee siday shixnadaha gargaarka ee dowlada Kuwait ugu talo gashay dadka kuwa ku macluulaya Soomaaliya ayaa waxa ay maanta kaso degtay magaalada Hargeysa, iyadoo gobolada woqooyi ay ka mid yihiin meelaha ugu daran ee abaaraha laga soo sheegayo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socdaana ay jiri doonaan dayuurado kale oo ku wajahan Gobolada Koonfureed ee dalka, kuwaasoo gargaar u sida dadka tabaaleysan.

wali waxaa xoolaha loo hayn raashin ama Caws badbaadi kara dadkii dhaqanaayayna kujira xaalad adag.

du3

du1

du

Comments

comments