Maamulka Somaliland oo siducufnimo iyo caadifad leh uga digey saxafiyiinta iyo siyaasiyiinta u safrida Muqdisho!!

Maamulka Somaliland ayaa uga digey saxafiyiinta iyo dadka siyaasada ku jira ee ka soo jeeda Somaliland inay u safraan caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho asagoo umuuqday inay Itoobiya sidaas ku amartay.

Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid Cadaani ayaa soo saaray digniintan isagoo sheegay in aan loo dulqaadan doonin in siyaasiyiinta iyo weriyeyaasha   iska tagaan muqdisho isla markaana ay ku soo laabtaan magaalada Hargeysa iyagoo gacmaha kula jira waxyaabo lidi ku ah danaha Maamulka Somaliland.

“Waxaan go’aansanay in aan ka go’ono dalka Soomaaliya isla markaana aan laga yeeli doonin dadka ku xadgudba dowladnimada Somaliland.”ayuu yiri Saxardiid.

Dhowaan ayaa maamulka Somaliland waxa uu xabsiga u taxaabay weriye magaciisa lagu sheegay Cabdimaalik Coldoon kaasoo lagu xirey magaalada Hargeysa kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Muqdisho halkaa oo uu ka mid ahaa taageerayaasha Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Maamulkaan ayaa markaankooda waxa uu siiyay In Burco iyo Hargeysa ay tahay Dowlad iyagoo gumaysta qaarkimida ah Gobolada Soomaaliya Sida Caynaba, SOOL IYo Sanaag. kuwaan ayaa ah tuugo lasameystay

Comments

comments