Boqolaal qoysas ka soo barakacay gobolada dalka oo ku soo qulqulaya Muqdisho (Daawo Sawirro)

Abaraaha iyo Dagaalada sukeeya ee dalka Soomaaliya soomaray waxay sababtay inay soo bataan Qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu kala quudiyo magaalooyinka Soomaaliya kuwaasoo kasoo dhamaadeen xoolahoodi.

Iyadoo abaaro aad u daran ay ku dhufteen inta badan gobolada dalka ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaraya boqolaal qoys oo ka soo barakacay degaanada ay abaaruhu ku soo saameeyeen.

Abaarahan ayaa ka dhashay roobabkii xiliga deyrta oo yaraaday iyo biyo yaraan xoogan oo soo food saartay webiyada mara koonfurta Soomaaliya oo beeraleydu intooda badani ku tiirsan yihiin iyo keed la´aan qabsatay maadaama Soomaalida dhamaan aysan haysan Dowlad rasmiya 26 sano lasoo dhaafay ee kujireen habab qabiilo.

Waxaa dadkani ay u badan yihiin kuwo ay xoolaha ka dhammaadeen ka dib abaarta haleeshay degaanada ay ka yimaadeen Mudisho kaliya maku soo barakicin ee waa Magaalooyinka Soomaalida ee kusoo barakaceen.

Dadkan oo intooda badan ka kooban caruur iyo haween aya waxay sheegayaan iney harraad iyo gaajo uga soo qexeen meelihii ay deganaayeen ayna soo maciin bideen magaalooyinka si ay gargaar u helaan.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa markale la kulmay guddiga gurmadka abaaraha, hay’adaha gargaarka, ganacsatada, wakiillada Qaramada Midoobeey, iyo Midowga Yurub isagoo u sheegay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah in loo sameeyo dadka ay abaartu saameysay.

abaarahaan ayaa ah kuwoo laga hortagi kara waa hadii lahelo shidaal raqiis ah iyo matoorro lagu waraabiyo biyo ceel, kuwaas oo dhalin kara calafka xoolaha iyo cuntada Dadka ee cuni laahaayeen. laakin qabiilo masamayn kara hormarkaas iyo badbaada masaakiintaas dhiban? mana ahan markii ugu koobaad ee Soomaalida tuugsadaan dalal kale si logu soo caawiyo dhibana-yaasha ee qadiyeen Siyaasiinta Masaska ee difaacaan qabiilada hadda Jira, kuwaas oo ka qaylinaayo hadii usheegtaan dhaliya dowlad iska daayay Cunsirida.

ab7

ab

ab1

ab2

ab3

ab4

ab5

ab6

Comments

comments