Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay Gaarigii lagu fuliyay Weeraradii maanta ka dhacay Muqdisho!!

Saraakiil katirsan ciidanka Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka Nabad sugida gacanta ku dhigeen gaari maanta lagu fuliyay labo weerar oo siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho.

Dabley hubeesan oo watay gaari nuuciisa lagu sheegay Prada ayaa maanta labo weerar oo dhaliyay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ka fuliyeen Agagaarka Isgooska Ceel Gaabta iyo meel ku dhaw Isbitaalka Digfeer.

Mid kamid ah weeraradan ayaa lagu dhaawacay Taliye kuxigeenkii hore ee Hay’ada Nabad Sugida Xasan Dheere, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dilay mid kamid ah askartii ilaalada u aheed sargaalka la weeraray.

Weerar kale oo ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa isna lagu dilay Afhayeenkii hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb, Maxamed Cumar Xagafey, dableyda weerarka geesatay ayaana xiligaasi goobta ka baxsatay.

Sargaal katirsan Nabad Sugida ayaa sheegay in ciidamada Nabad sugida ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan gaarigii weerarka lagu geestay, waxa ayna Ciidanka Nabad siugida hada howlgal ka wadaan xaafad katirsan magaalada Muqdisho.

Weerarkan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Comments

comments