Madaxweyne Muxamed C/ Farmaajo oo safarkii u horeeyay dalka uga ambabaxaya: Dalkee ayuu tagi doonaa?

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in safarkii ugu horeeyay uu dalka kaga ambabaxo, todobaad kaddib markii loo doortay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso warbaahinta ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu safarkii ugu horeeyay tan iyo markii xilka loo doortay ku tagi doonyo dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo la sheegay inuu ku soo c´imreysan doonyo.

Ilo wareedka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Sacuudiga u ambabaxi doonyo marka la caleema saaro, waxaana la sheegay in dadka Soomaaliyeed ugu soo duceyn doono Xaramka, marka uu cumreysto.

Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagi doonyo Sacuudi Carabiya ayaa ka duwanaan doona safaradii hore ay Madaxda Soomaalida marka la doorto ku tagi jireen wadamada deriska ah.

Sidoo kale waxaa jiraan casuumaad rasmi ah oo Madaxweynaha la soo gaarsiiyay, kuwaasoo ay kaga timaaday Boqorka dalka Sacuudiga Carabiga Boqor Salmaan oo todobaadkii hore Taleefan kula soo hadlay, markii loo doortay xilka Madaxweynaha waxaana haatn Sacuudiga ku sugan Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayip Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan ayaa kulan gaar ah yeelan doono marka uu tago Sacuudiga, sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu tago dalka labaad oo Carbeed oo ka mid ah dalalka Khaliijka.
Boqorka Sacuudiga ayaa ahaa Madaxdii ugu horeysay ee carbeed oo si toos hambalyo ugu soo diray Somalia.

Sacuudiga ayaa ah labo wajiile aan rabin nabada Soomaaliya iyadoo Sacuudiga uu daneynayo xiriir wanaagsan uu la yeesho Madaxweynaha cusub.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu todobaadyada soo socda ka qeyb galo shir madaxeedkiisii u horeeyay, tan iyo markii xilka loo doortay, waxaana magaalada Riyadh uu kaga qeyb geli doonaa shirka dalalka Iskaashiga Islaamka.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa la soo gaarsiiyay casuumaado uga timid dalal dhowr ah oo uu booqasho rasmi ah ku tago doono, kaddib marka la caleema saaro iyo marka uu Ra’iisul Wasaare magacaabo, sida ilo lagu kalsoonaan karo inoo xaqiijiyeen waxaana adag sida uu ku baajin lahaa inuu shirar kaas ka baaqayo una dirsayo Safiiradiisa waa sida uu horey usheegay oo ahayd inuu yareyn doonyo Safarada Dibida Wadamanka Soomaaliya Hab Caawineed faraha kula ayaa sidaas oo kale waxay wax aan jirin waqti uga lumiyeen madax ka horeeysaf Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Comments

comments