Madaxweyne Farmaajo oo Afar Sifo kaga duwan Madaxdii ka horeysay (Maxaa kamid ah)

Maqaalkan Waxaan ku lafa guraynaa Doorashadii Taariikhiga ahayd ee Dalka Soomaaliya ka dhacday 08-02-2017-kii ee lagu Doortay M-weyne Farmaajo, Fursadaha Hor-yaalla iyo Duruufaha hareereeyay. Qodobada aan kaga hadlayo Maqaalkan oon Qaab Su’aaleed u soo dhigayo ayaana Qodob Qodob u kor istaagi doonaa insha allah.
Madaxweyne Farmaajo oo Afar Sifo kaga duwan Madaxdii ka horeysay (Maxaa kamid ah)

Muxuu kaga duwan yahay Farmaajo Madaxdii hore Shacabkuna si gaar ah ugu Jeclaaday?

Su’aashan Jawaabteeda Waxaan ku soo koobi karraa Afar Arrimood oo uu ku Sifoobay M. Farmaajo kagana Duwan yahay Madaxda kale ee Soomaaliyeed Waxayna kala yihiin:-

1. Waddaniyad; Sida Bulshada Soomaaliyeed ka dharagsan tahay Farmaajo Wuxuu ku Sifoobay Waddaniyad dhab ah. Marka aan Waddaniyad Dhab ah leeyahay Waxaan Meesha ka saarayaa Midda Dhalanteedka ah ee Afka laga Wada Sheegto. Waxaana Markhaati iiga ah Arrintaas Naasiixada ah iyo Nacabka Soomaaliyeed ee uso dhawaysteen.

2. Isku kalsoonaan; Farmaajo waa Nin isku Kalsoon Marka uu Go’aan Qaadanayana aan Hareerihiisa ka Eegin Ajaanib inay Arkayso, Jecelna inta Karaankiisa ah Haybadda iyo Astaanta Qaranimo inuu Muujiyo.

3. Daacadnimo; M. Farmaajo Wuxuu ku Caanbaxay Daacadnimo Mas’uuliyadda uu haayo sifo Ballaadhan uu ku Gudanayo iyo ka warhaynta, u Turidda iyo Guud ahaan Daryeelka Bulshada uu Madaxda u yahay. Waana Arrinta Sababtay inuu Hantiyo Naanaysta Murashaxiinta kale aysan la Wadaagin ee ah Murashaxa Shacabka. Murti Soomaaliyeed ayaa ahayd: Naf waliba Ninkii u Roon Raacday.

4. Qabyaalad La’aan; M. Farmaajo Wuxuu aad uga Fog yahay Qabyaaladda oo ah Cudur Aafeeyay si Saf-mar ahna u Dhex Sabbeeyay Guud ahaan Soomaalida. Waxaana Tusaale Nool inoogu Filan Ciidanka iyo Bulshada ku Nool Muqdisho oo intooda badan ayna isku beel ahayn M. Farmaajo sida ay u Jecel yihiin ama ugu Kalsoon yihiin.

Maxay ahaayeen Asbaabihii Doorashada Farmaajo?

Qaddarta Ilaahay ka Sokoow Waxaa Suuro Galiyay Doorashada Farmaajo Saddex Arrimood oo is Biir-biirsaday Waxayna kala yihiin:-

1- Xil-dhibaanada oo badankoodu si guud u doonayay is badal iyo Waji Cusub inay arkaan oo dalka ka Samatabixin kara Gabiga uu ka Laad-laado.

2- Xil-dhibaanada oo Doorkan ay ku Badnaayeen Dhalinyaro Aqoon sare leh oo ka Fikiraaya iyaga iyo Jiilasha ka beermaya Mustaqbalkooda, sidoo kale waxaa ku badnaa Xil-dhibaanada Doorkan Haweenka. Hadaad is waydiiso oo dhalinyarada lagarayee Dumarkuna Maxay Farmaajo ku Raaceen? Sida aan Ogsoonahay Dumarku waa dadka ugu Jilicsan Daryeelka ugu badanna u baahan, dhibaatada Dalka ka dhacaysana ugu nugul. Farmaajana Waxaa lagu bartay inuu Xoogga Saaro Daryeelka Dadka Jilicsan iyo Guud ahaan Bad-baadinta Ummadda, Sidaa darteed bayna u doorteen, baan odhan karraa. Sidoo kale Waxaa Doorkan ku Badnaa Xil-dhibaanada Dadka Wadaniyiinta ah oo Dhalinyaro iyo waynba leh.

3- Arrinta Saddexaad ee Suurto Galisay Doorashada Farmaajo Waxay ahayd Fatwadii iyo Guubaabadii Culimada oo wax badan ka Badashay Dareenkii Xil-dhibaanada.

Maxaa laga bartay Doorashadii Farmaajo?

Waxaa laga bartay Saddex Arrimood oo baal Madaw Noogu Qorraa inaysan Shaqaynaynin Wixii ka danbeeya 08-02-2017. Waxayna kala yihiin Odhaahyadan Gurracan ee hoos ku Qoran:-

1- Dawladaha Shisheeye Ninkii ayna Wadanin la dooran maayo!!
2- Deegaanka Muqdisho Beesha Dagta Ninkii aan ka soo jeedin lagu Dooran Maayo Muqdisho!!
3- Malaayiin Doollar oo Dad-waynaha laga dhacay Ninkii haystaa la dooran!!

Waxaadna Markhaati ka ahaydeen Murashaxii Farmaajo la Tar-tamayay isagoo Muqdisho ka soo jeeda, Malaayiin Doollarra Qaybiyay, Dawlado Shisheeyana Dabadiisa Taagnaayeen, inay Xil-dhibaanadii Sharafta lahaa Danta Shacabka ka doorteen.

Tixdan hoose anoo ku Wajahaya Xil-dhibaanada Waxaan Social Media ha kula Wadaagay Bulshada Saacado ka hor Doorashadii 08-Febraayo.

• Inay Oofin Dhaarteey Mareen, Dhabarra Wayntaasi
• Ooy Wadar ka Dhiidhiyi Wixii, Dhimirku Diidaayo
• Iyo dhuuni Raac inay yihiin, Dhaafsan Sharaftooda
• Waxaan Maalmo Dhaafayninoo, Xabag dhunkaaleeda
• Bal aan Dhawrro way kala Caddaan, Xilli aan Dheerayne.

Mahad ilaahay ayaa leh, oo Xil-dhibaanadu way u Diirnexeen Dalkooda iyo Dadkoodaba, Waxayna ku Sifoobeen labada Tuduc ee hore.

Lasoco Qaybta 2aad ee Faallada Doorashada Farmaajo Insha allah.

W/Q: Abdihakim Mohamed

Comments

comments