Daawo Sawirro: Milateriga Ciraaq oo bilaabay duulaan galbeedka Mowsil looga saarayo Mintidiin Daacish!

Milateriga Ciraaq ayaa billaabay guluf dagaal oo ay dib kaga qabsanayaan qaybta galbeed ee magaalada Mosil oo ay ku xoogan yihiin kooxda Daacish.

Boqolaal gaari askar kumanaan gaareysa ayaa ka qayb qaadanaya duulaankan kuwaasoo ay cirka ka taageerayaan dayaaradaha dagaalka ee xulafada oo garaacaya fariisimaha mintidiinta.

Ilo xagga milateriga ah ayaa sheegay in ugu yaraan laba tuulo dib looga qabsaday kooxda.

Mowsil ayaa ah halkii ugu dambeysay ee ay kooxda Daacish xoogga ku lahaayeen gudaha Ciraaq.

Ciidamada dawladda waxay bishii hore la wareegeen qaybta bari ee magaalada, ka dib todobaadyo ay dagaallo culus socdeen Mintidiintaan ayaa lasii baacsanaaya kadib sanadooyin ee xooganaayeen hada way sii dhamaanayaan Dacishta.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday xoogagga Ciraaqiyiinta inay xaqiijiyaan bedqabka boqollaal kun oo qof oo magaalada ku xayiran.

mos

mos1

mos2

mos3

mos4

mos5

Comments

comments