Kooxo hubeysan oo caawa hoygiisa ku dhex dilay Nabadoon & faahfaahino ka soo baxaya!!

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa fiidnimadii caawa ku dilay magaalada Muqdisho Nabadoon la oran jiray Cabdi Cumar Ibraahim.

Wararka ayaa sheegaya in nabadoonka ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo ugu galay hoygiisa oo ku yaalla degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.

Ragga wax dilay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo warku intaas ku darayo in nabadoonka la dilay uu qeyb ka ahaa ergooyinkii magaalada Baydhabo kaga qeyb galay doorashada xildhibaanada Koonfur galbeed ku metelaya baarlamanka Somalia.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa goor dhow gaaray hoyga nabadoonka lagu dilay iyagoo xaafadaha ku dhow ka wada howlgalo baaritaano ah.

Dilalka lala beegsanayo nabadoonada ayaa maalmahan ku soo batay magaalada Muqdisho, iyadoo Marxuum Cabdi Cumar Ibraahim uu noqonaya Nabadoonkii afaraad ee todobaadkan gudihiisa lagu dilo caasimada.

Comments

comments