War deg deg: Milkiilaha Tv-ga Universal oo lagu soo daayey Amar kasoo baxay Madaxwaynaha Cabdi M/ illey Cadeyn (Sawirro)

Maamulka Somaliland ayaa diiday Codsigii uga Yimid madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, oo ka dalbaday inay soo daayaan Milkiilaha Tv-ga Universal eng. Axmed Abubakar oo lagu xidhay magaalada Hargeisa balse Tv Universal oo ushaqeeya Itoobiya una qaabilsan Soomaalida Jigjiga iyo been baahinta.

Arintaan oo la yaabka leh ayaa waxay Noqotay kadib markii uu Taleefan usoo diray Madaxwaynaha xooga ku haysto Soomaali Ogaadeen Cabdi Maxamuud Cumar ahna Dabadhilim Tigreyga la saaxiib ah sidoo kale waxaa dabadhilifyo Tigrey ah Masuuliinta talada u haaya Maamulka Soomaaliland oo ka cabsa Itoobiya laakiin iyaga malahan ala kacabsi ee waa Tigrey ka cabsi waxa ayna ku ajarmeen nin sidoo kale caado qaato ah Tigreyga.

Abuukar Mahdi oo kamid ah Maamulka Tv-ga Universal ayaa ka hadlay Sida ay wax u dhaceen Wuxuu Qoraalkiisa u dhigay Sdan, Isagoona soo raaciyey Sawirro.

abukar-mahdi

“WAXAA AYAAN DARO AH CODSIGII MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOMALILAND DIIDAY BALSE 2 SAACADOOD KA HOR WAXAA SI KULUL ULA SOO HADLAY MADAXWEYNAHA OGADEN SOMALIDA ITOBIYA HYASATO CABDI MAXAMUD . SI DEG DEG AH AYAA ENG AXMED XORIYADISA LOOGU SOO CELIYAY WAXAA LA GEEYAY HOTEL MANSOOR, WAA KUWAAn ISAGA IYO SHAQAALAHA TVGA OO HALKAAS KU SOO BOOQDEEN.
“ENG WUXUU KUSII SOCDAY CALEEMO SAARKA MADAXWEYNE FARMAAJO OO UU CASUUMAD KA HELAY SAAXIIBO HORENA AHAAYEEN. WAXAAN U MAHAD NOQAYAA DADKEYGA SOOMALIYED EE MUUJIYEY SIDEEY UGA XUN YIHIIN XARIGA ENG AXMED.”

2-12

Comments

comments