Daawo Sawirro: Mowshin culus oo laga keenay Madaxweynaha Hirshabelle & wasiiro iscasilay!!

Yaabka aduunka> Xildhibaano sheegay inay qalad tahay in uu Madaxweyna maamulka Hirshabeele uu labo gobol usoo magacaabyo 60 dan wasiir, waxa ayna ku dhaaheen “Marakanka waa 50 Dowlad oo midowbay mana lahan xitaa 50 wasiir sidee ku dhacay in labo gobol Dowladoodi loosoo magacaabo 60 dan wasiir”

Ku dhowaad 60 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka maamul goboleedka Hirshabelle ayaa galabta shaaciyey iney diyaariyeen mowshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.

Xildhibaanadan dhaliilay qaabka magacaabista golaha wasiirada dowlada Hirshabelle oo uu shalay ku dhowaaqay Madaxweynaha Hirshabelle.

Kulan maanta ka dhacay magaalada Jowhar ayey ku sheegeen xildhibaanada Hirshabelle in 52 wasiir aysan ahayn tiro ay xamili karto dowlad goboleedka, waxayna Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu xildhibaanada Hirshabeelle ka xirtey albaabada.

“Maraykanka oo konton gobol ah dowladiisu way ka yar tahay konton wasiir ee caqliga ha shaqeeyo Madaxweynahana kama yeeleyno” ayuu yiri Xildhibaan Shiikh Axmed Ow-Libaax oo isweydiiyey halka dhaqaale intaa le’eg looga keenayo wasiiradan faraha badan.

Xildhibaano kale ayaa ku dhaleeceeyay Madaxweynaha Hirshabeelle inuu diiday la kulanka xildhibaanada guddi ay iska soo saareen ka hor inta uusan ku dhawaaqin si uga talo bixiyaan.

Xildhibaanada beesha Jareerweyne iyo duubab dhaqameedka beeshaas oo saaka ka hadlay dibed bax looga soo horjeedo golaha wasiirada Hirshabelle oo ka dhacay Jowhar ayaa sheegay in lagu xadgudbay xuquuqda beelaha Jareerweyne isla markaana Madaxweynaha Hirshabelle uu beeshiisa badiyay golahiisa wasiirada halka beelaha kalena la xaqiray, loogana baxay balan-qaadyo hore oo loo sameeyey.

Dhinaca kale, wasiirkii beeraha iyo waraabka ee maamulka Hirshabelle oo shalay magacaabay madaxweyne Cosoble ayaa iscasilay.

Xaaji Ciise Cabdulle (Isgow) ayaa iscasilaadiisa sabab uga dhigay inaan lagala tashan xilka loo magacaabay, beeshiisana ay ka soo horjeedo xilkan loo dhiibay, isagoo noqday wasiirkii ugu horeeyey ee iska casila wasiirada shalay la magacaabay, waxaana jira warar sheegaya xubno kale oo qorsheynaya iney iscasilaan.

ha19

ha20

ha21

ha22

Comments

comments