Dayuurad ku dhacday suuq ku yaalla bartamaha magaalada Melbourne (Daawo Sawirro)

Dayuurad yar ayaa ku dhacday suuq laga dukaamaysto oo ku yaalla magaalada Melbourne ee dalka Australia, waxaana ku dhintay shan ruux oo la socday dayuurada kuwaasoo kala ahaa afar Maraykan ah iyo duuliye reer Australia ah.

Saraakisha Booliisku waxay sheegeen inay u muuqato inay cilad wayn gashay matoorka diyaaradda oo burburtay wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka yar ee diyaaradaha ee Essendon Airport.
Inkastoo ay burbur baaxad leh gaysatay diyaaraddu haddana lama sheegin qof dhulka joogay oo ku dhintay shilkan.

Haweeney u hadashay dhismaha ay diyaaraddu ku dhacday ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalihii goobtaas ay bad qabaan.

Wakhtiga uu shilku dhacay ayaa waxaa la sheegay iney ka horeysay xiligii la furi jiray goobtaas, mana jirin wax shacab ah oo halkaas ku sugnaa taasoo yareysay khasaaraha halkaas ka dhacay.

Safaaradda Maraykanka ee dalka Australia ayaa xaqiijisay in afarta ruux ee dhimatay ay ahaayeen muwaadiniintooda.

Daniel Andrews oo madax ka ah gobolka Victoria ayaa sheegay in shilkan dayuuradeed uu yahay kii u xumaa ee soo wajaha duulimaadyada dadwaynaha muddo 30 sano ah.
ha5

ha6

ha7

ha8

ha9

ha10

ha11

ha12

ha13

ha15

Comments

comments