Hey´da IMF oo ka caawinaysa dowlada Soomaaliya daabacida lacag Shillin Soomaali cusub!

Dowlada Soomaaliya ayaa ka maarmi waysay Hay´ad shisheeye kadib markii uu in mudo ah uu dhinsanaay Shilinka Soomaaliya,maadaama 26-dii sano ee lasoo dhaafay dalka ka jireen Fowdo isdaba yaac ah, dowladahaas ayaana ahaayeen Dowlado maqaarsaar ah balse imakadaan kaduwan kuwii hore.

Hay’ada Lacagta Adduunka IMF ayaa ka caawinaysa dowlada Soomaaliya qorshe ay ku dooneyso inay ku daabacato lacag Shillinka Soomaaliga cusub. wallow ee jiraan lacag Soomaaliya loo sameeyay oo taala Suudaan lacagtaas oo lasameeyay Xilliga Sheeq Shariif Sheeq Axmed balse lagu ma howl galin sababa Jira aawgeedi.

Madaxa hay’ada IMF Samba Thiam ayaa sheegay in lacagta cusub ee Shillinka Soomaaliga ah uu suuqa geli doonyo sanadkan iyadoo lagu bedeli doono lacagta Kunka shillin Soomaaliga.

“Boqolkiiba 98 lacagta Shillinka ee laga isticmaalo dalka Soomaaliya waa kuwo been abuur ah,”ayuu yiri Thiam.
Thiam ayaa intaas sii raaciyay boqolkiiba 2 lacagta hartay ay tahay mid la daabacay intii u dhexeysay 1990-91, taasoo ah mid duug ah.

Bangiga adduunka ayaa ku qiimeeyay dalka Soomaaliya inuu yahay dalka shanaad ee caalamka ugu saboolsan xiligaan iyadoo sanadkiiba daqliga qofka soo gala uu yahay to $435.

“Dalka Soomaaliya ayaa waxaa hay’ada Lacagta Adduunka ku leedahay lacag gaareysa $5.3 Billion in laga saamaxo deyntaana waxaa sal u ah sida musuqmaasuq dowada hadda jirta ay ula dagaalanto” ayuu yiri Thiam.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa si xoog leh loogaga isticmalaa lacagta  dollarka Maraykanka ah iyo lacagaha loo isticmaalo taleefanada gacan qaadka, halka shillin Soomaaligana laga isticmaalo hal warqad oo kaliya.

Comments

comments