Daawo Sawirada: Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha oo si rasmi ah u bilaabatay iyo Madax kala duwan oo kaso qayb gashay!

Waxaa goordhaw hool kuyaala Xerada Ciidanka Cirka ee Afisiyooni ee magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabatay munaasabada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Farmaajo.

Munaasabada caleemo saarka ah oo ah mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka qeyb galaya Madax kala duwan oo lagu casuumay iyo sidoo kale marti sharaf ka kala timid dalka dibadiisa iyo gudihiisa.

Madaxda ka qeyb galeysa Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Jabuuti, Madaxweynaha dalka Kenya, Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya, Madaxweyne kuxigeenka dalka Suudan ,Wasiiro iyo madax kale.

Munaasabada goordhaw bilaabatay waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha la caleema saarayo Farmaajo, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, R/Wasaaraha waqtigiisa dhamaaday, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Waxaa lagu wadaa munaasabada goordhaw bilaabatay in khudbado ka jeediyaan Madaxda Soomaalida iyo madaxda kale ee lagu casuumay munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Munaasabada Caleemo saarka kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

sarka_1

sarka_2

sarka_3

sarka_4

sarka_5

Comments

comments