War deg deg ah:-Tiro Hoobiyaal oo Kusoo Dhacay Degmada Wadajir!

Tiro Hoobiyaal ah oo la sheegay in laga soo tuuray Degmada Kaxda Gaar ahaan Agagaarka Ceelka Cismaan Cali ayaa ku soo dhacay qeybo kamid ah Degmada Wadajir taas oo dhalisay qaasaaro nafeed una badan Caruur.
Hoobiyaasha qaar ayaa ku soo dhacay Xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Wadajir,waxaana ay sababeen Dhimasho iyo Dhaawac.
Hoobiye ku dhacay Makiinad Cajiin oo ku taalla Kaawo Godey ayaa waxaa ku dhintay Nin ka shaqeynayay inuu Makiinadda  ka shaqeynayay,halka ay ku dhaawacmeen Afar Ruux oo kala ah Saddex Carruur ah iyo Qof Dumar ah.
Hayeeshee Hoobiyaasha ayaa la soo tuuray wax yar ka dib markii la Furay Wadooyinka Magaalada oo Maanta loo Xiray Xafladda Caleemasaarka Madaxweyne Maxamed C/llaahi farmaajo.

Comments

comments