Madaxweynaha Soomaaliya oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Boqor Salmaan Bin C/casiis (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo maanta gaaray magaaladas Riyadh ee Caasimada boqortooyada Sacuudiga ayaa kulan la qaatay boqorka dalkaas Salmaan Bin C/casiis.

Farmaajo waxaa kulankaasi ku wehliyey Wasiirka arrimaha dibedda iyo maalgashiga caalamiga, C/salaan Hadliye, La-taliyayaasha Madaxweynaha sida Fahad Yaasiin, C/risaaq Axmed, Agaasimaha Madaxtooyadda iyo Safiirka Soomaaliya u jooga Scuudiga, Daahir Maxamuud Geelle.

Dhinaca Sacuudiga waxaa qeyb galay dhaxal-sugaha Boqortooyadda, Amiiro, Wasiiradda Arrimaha gudaha, dibedda, maaliyadda, Warfaafinta, Awqaafta iyo Brotokolka ee Boqortooyadda iyo xubno kale.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihin xiriirka labada wadan, Iskaashiga gobolka ee la-dagaalanka Xuutiyiinta iyo taageeradda Sacuudiga ee dowladda Federalka ee dhinacyadda Siyaasadda, dhaqaalaha, Ammaanka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku macluulsan gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu kulamo kale la qaato madaxda Sacuudiga ka hor inta uusan u soo gudbin magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarama oo ku soo gudan doono cimrada.

Xaasid Sacuudi haye (1)

Xaasid Sacuudi haye (2)

Xaasid Sacuudi haye (3)

Xaasid Sacuudi haye (4)

Ka hor taga abaaraha (1)

Comments

comments