Taliye Xaamud oo ka Shalaayay Hadal uu ku Taageeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya!

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Maxamed Xasan Xaamud ayaa ka shalaayay hadal uu ku taageeray Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu socday ololihii Doorashada Madaxweynaha.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Sareeya Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo oo bishii December ka hadlay Munaasabada 73-guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa qarsan waayay taageerada uu u hayay Xasan Sheekh

”Madaxweyne codka saraakiisha booliiska adigaa iska leh oo ku tashanaya, Waxaa saraakiisha booliiska labada Aqal kamid noqday ku jira Generaal Cabdi Qeybdiid oo Aqalka sare ku jira, Taliyihii hore ee ciidanka booliiska Shariif Sheekhunaa Maye oo isna Aqalka hoose kamid ah iyo Labo Xidigle dhawaan booliiska kusoo biiray Maxamed Ibraahin Diyeeshe oo isna Aqalka hoose kamid noqday, Codadka saraakiishaas adigaa iska leh oo ku tashanaya” Ayuu yiri Taliyaha booliiska Soomaaliyeed.

Taliye Xaamud ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray hadalkaasi uu ku taageeray Madxaweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh, waxa uuna tilmaamay xiligii uu hadalkaasi ka dhawaajinayay in uu aad u faraxsanaa.

”Warka sidaan u iri iyo sida loo fasiray isku mid maahan , hadalkan aan ku taageeray Xasan Sheekh waxaa iga keentay farxad, waxaana maalintaasi ku dhacay hadal qadaf ah” Ayuu yiri taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo aamnisanaa in mar kale dib loo dooranayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib kala xumaatay hadalkii uu ku taageeray, waxa uuna muujiyay sida uu hada uga xun yahay hadalkasai kasoo yeeray.

Hadalkaasi uu ku taageeray Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Madaxweynihii hore ayaa sabab u noqday in doorashada Madaxweynaha aan lagu qaban xarunta Iskool buluusiya oo horey loo qorsheeyay in ay ka dhacdo, kadib markii Musharaxiin badan kasoo horjeesteen.

Comments

comments