DAAWO: Axmed Madoobe oo Khudbad ka jeediyey Muqdisho, oo si la yaab leh uga hadlay R/wasaaraha Cusub MUUQAAL!

Madaxwyanaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Khudbad ka jeediyey magaalada Muqdisho,  Kadib Kulan uu la qaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doortay Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa wuxuu ka hadlay Doorashadii Madaxwayne Farmaajo, Wuxuuna Xildhibaanada u sheegay inay Shacabka Dareenkooda ka Turjumeen, Sidoo kale wuxuu ka hadlay Raysal wasaaraha Cusub ee Madaxwayne Farmaajo uu magacaabay,  Wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay madax isla Shaqayn karta ee aan Isqabsan.
“Madaxwaynihii aad doorateen waa inaad ku Ixtiraamtaan Cida uu soo doorto, Xildhibaanada hadii loo diro Raysal wasaare, waan Hubaa inaydan Ku Heshiin doonin,” Ayuu yidhi Axmed Madoobe.
Dhinaca kale Madaxwayne Farmaajo ayuu ugu Baaqay inuusan ku Fekerin sidii uu mar kale kusoo Noqon lahaa, Balse ay Taariikhdiisu noqon doonto waxa uu qabto Afarta Sano ee la doortay, Isagoo Xusay inaan Soomaalidu Dib usoo dooran mar kale Madaxwayne.

MUUQAALKA ISLAAN AXMED MADOWE, HALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments