DHACDO yaab Leh: Malxiisad ku sugan Hargeysa oo Nin Isku Bedashay (Akhriso) siday wax udhaceen!

Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa maanta waxa ay qaadeysay mid kamid ah kiisaskii ugu yaabka badnaa ee ka dhax dhaca dhinaca bulshada, waxa uuna kiiskan yahay mid ay dad badan ka war sugyaaan.

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa dhawaan ka dhacday arin layaab leh oo nuuceeda aan horey loo arag, waxa ayna dhacdadan layaab iyo amakaag ku riday dhamaan dadkii maqlay.

Xaafad katirsan Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa waxaa maalmo kahor ku aqal galay wiil iyo gabar xariir uu ka dhaxeeyay , waxa uuna guurkoodu ahaa mid lawada ogaaa oo si caadi ah u dhacay.

Gabadha lasoo guursaday ayaa guriga waxa ay keensatay gabar ay sheegtay in ay saaxiibo yihiin ayna todobo bixineyso maalmaha todobaaka inta lagu guda jiro, hasa ahaatee arinta ayaa noqopn doonta mid gadaal dambe ka fashilanta.

Wiilka Arooska ayaa ka shaqeyn jiray mid kamid ah Foornooyinka rootiga lagu sameeyo ee kuyaala magaalada Hargeysa, waxa uuna inta badan shaqada gali jiray gurigiisana uu ka tegi jiray 5-ta subaxnimo .

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Wiilka arooska cusub ahaa in maalin maalmaha kamid ahaa uu ka baaqsaday shaqadiisa kadib markii uu lasoo darsay xanuun, waxa uuna maalinkaa iska joogay gurigiisa.

Wiilka isaga oo hurda qolkiisa ayuu maqlay cod rageed oo xaaskiisa cusub la hadlaya, waxa uuna si deg deg ah ugu yeeray xaaskiisa isaga oo weediiyay cida uu yahay ninka guriga jooga ee xiligaasi la hadleysay.

Gabadha aroosada ah ayaa durba ninkeeda ugu jawaabtay cida ay la hadleysay in uusan aheyn nin balse ay tahay gabadha saaxiibadeed ee todobo bixinta ula joogtay, hasa ahaatee ninkan ayaan ku qancin warkaasi ay u sheegtay xaaskiisa,

Ninka arooska ahaa ayaa si deg deg ah ugu baxay saldhiga booliiska waxaana lagu soo daray labo askari kuwaa oo markii ay guriga yimaadeen ku amray gabadha laga shakiyay oo xiligaasi xirneed jalbaab iyo indho shareer in ay indhaha baneeso .

Booliiska ayaa markii dambe ku qasbay in Indha shareerka ka saaraan waxaan aarintu noqotay arin argagax leh kadib markii gabdhii la sheegay in todobo bixis u joogtay ay noqotay nin rag ah oo saaxiib la ahaa gabadha lasoo guursaday.

Ciidamada booliiska ayaa xabsiga dhigay gabadha aroosada aheed iyo waliba ninkii ay ku sheegtay gabadha ee la joogtay, waxaana kiiska dacwadan loo gudbiyay Maxkamada magaalada Hargeysa oo qaadeysa.

Gabadha aroosada ah oo la weediiyay waxa arintan ku xambaartay ayaa waxa ay sheegtay ninka saxda ah ee iyada qaba in uuba yahay kan todobo bixinta ula joogay, waxa ayna dhacdadan noqotay mid dad badan layaba iyo argagax ku riday.

Comments

comments