Haweeney aheyd xaaska mid ka mid ah ajaaniibta ka tirsan Al-shabaab oo la qabtay (Daawo Sawirro)

Ciidamada nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo qabtay xaaska mid kamid ah saraakiisha Ajaaniibta Al-shabaab

Haweeneydan oo magaceeda la yiraahdo Leyla Cumar Baaruud waa xaaska sarkaal Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Itoobiyaan kaasoo ka tirsan xoogaga Al-shabaab ee ka horjeeda dowlada Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu raadjoogay haweeneydan muddo shan bilood ah oo ay ku dhuumaaley-saneysay degmooyinka gobalka Banaadir.

Leyla ayaa la sheegay iney kooxda Al-shabaab u qaabilsaneyd tashkiilinta iyo marin habaabinta carruurta, iyadoo dugsi xifdinta Qur’aanka Kariimka ah lagu barto ku laheyd Jubooyinka
Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya ayaa waabarigii maanta Leyla ku qabtay demgada Cabdicasiis xilli ay dooneysay in gurigeeda hortiisa gaari ka raacdo.

Laylo Cumar Baaruud oo ah hooyo labo caruur ah leh, waxay saraakiisha sirdoonku sheegeen iney ku talax tagtay fikradaha kooxda Shabaab oo sida ay sheegtay ku tashkiilinayay fikradahooda muddo todobo sano ah.

Haweeneydan ayaa sheegtay iney ku si jeeday seygeeday oo ah nin Ajnabi ah oo ay sheegtay inuu ku sugan yahay degmada Jilib inta badan Nimanka Ajaaniibta ee shabaab ayaa adoonsada Naagaha iyagoo ku qaraabanaaya Diinta Islaamka Itoobiya Cadow iyo Dowlada kale oo Cadow ayaa Kujira Alshabaab kuwaas oo wata waji Muslim

mis15

mis16

Comments

comments