Howlgallo Maanta ka socda Magaalada Boosaaso kadib markii xali saldhig laweeraray!!

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland ay Maanta wadaan howl gallo baaritaan, kaasoo ka dambeeyay weerar bambaano oo xalay ka dhacay magaalada.
Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Boosaaso.

Saraakiisha Amniga Boosaaso ayaa sheegay inay baadigoob ugu jiraan kooxihii xalay ka dambeeyay qaraxa, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono, si sharciga loo soo taago.
Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii u dambeeyay faraha ka sii baxayay, waxaana bilihii la soo dhaafay lagu dilay saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland.

Comments

comments