Madaxweyne C/Kariin Guuleed oo iska casilay Xilka Madaxweynimada maamul Goboleedka Galmudug Akriso!!

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa iska casiay xilka Madaxweynaha maamulkaasi.

C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in uu iska casilay xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug, waxa uuna sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay xaalad caafimaad oo mudooyinkan dambe lasoo daristay.

Sida aan Wararka ku heleyno C/Kariin Guuleed oo ku sugan dalka Hindia ayaa ku jira isbitaal lagu daweenayo , waxaana lasoo sheegayaa in qaliin lagu sameeyay xaaladiisa caafimaadna aysan wanaagsaneyn sidaasna uu isku casilay.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa horey xilka uga qaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/Kariin Guuleed , waxa uuna horey u diiday Guuleed in aysan sharci aheyn xil ka qaadista lagu sameeyayay.

Mr

Comments

comments