MUUQAAL Aqoonyahan soo bandhigay Arimo Qarsoon oo ku saabsan Saldhiga BER-BERA Iyo Hanjabaadii Xuutiyiinta DAAWO!

Waxaan idiin soo gudbinaynaa Waraysi uu bixiyey Aqoonyahan Cabdisalam Haji Ismaaciil oo ku sugan Columbus Ohio, Wuxuuna kusoo Bandhigay Arimo badan oo Bulshada Soomaaliyeed ka qarsoonaa, Kuwaasi oo la Xidhiidha Saldhiga magaalada Berbera uu doonayo Imaaraadku in laga siiyo, sidoo kale Xuutiyiinta ayaa sheegay kuna handaday inay gubi doonaan Haamanka shidaale ee Barbera.

Halista uu leeyahay saldhiga Milatery ee Berbera ? C.salaan ayaa Wuxuuna sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay ku Hanjabeen inay Soo duqayn doonaan Berbera hadii looga soo duulo “Hal gantaal oo aanu ku dhufano, ayaa ku Filan Ber-bera oo dhan, kaasi oo ku dhaca Haamaha Shidaalka.”

Yaa saxeexay heshiiska, waxa uu qorayo maxaa loo qariyey. ? Wuxuu sheegay inay Dawladii hore ee Soomaaliya ay Qayb ka ahayd, Balse Dawlada Cusub markii ay dhalatay ay Noqotay Filaan waa, Taasina ay keentay in la Qariyo Heshiiska oo duuduub la isku dayo in lagu meel-mariyo.

Maxaa keenay in hadda la boobsiiyo, ? Cabsida Laga qabay Xisbiga Wadani oo kasoo Horjeeda Heshiiska inuu soo baxo, ayaa keentay in Kulmiye wakhtiga looogu daro  si loo meel mariyo, Sidoo kalana waxaa Dhirbaaxo Lama Filaan ah noqotay Dawlada Cusub ee Soomaaliya.

Ugu Dabayntii waxaa uu kusoo Bandhigay Waraysiga oo Xog badan Xambaarsan Sida ugu Haboon ee looga hortegi Karo, Heshiiska Halis gelin kara guud ahaan Soomaaliya.

MUUQAALKA HALKAAN HOOSE KADAAWO

Dhanka kale shalitoo waxaa RadioKulmiye ka soo hadlay 50 meeyo Askar Soomaaliya kuwaas oo Imaaraadka ku taba baranaysay Muqdisho, tirada kale ee ka hertayna lagu sheegay 15000 kun oo Askar Kumaandoos ah, markii 50 kaas Askar ee shaqada Ciidan laga soo buriyay waxa a ayna udawoodeen Maxkamada Soomaaliya, wallow markii danbe ee maxkamada Soomaaliya ay uqortay 50 Kaas Askar Shaqo ku celin in lagu sameeyo balse waxaa amarkaas diiday Tababarayaashii Imaaraadka oo xarun ku leh Muqdisho.

mid u hadlaayay 50 kaas Askarta Soomaalida ee shaqadaas laga soo buriyay ayaa sheegay inay Imaaraadka ku dhaheen “Inaga ayaa Ciidan Noo´qonaysan, Dowlada Soomaaliya Mushaar Idiin masiiso Inaga ayaa mushaar fiican idiin siinayno oo idiin aroosinayna Gabdhaha Barbara”

waa arin xaqiiqa ah oo daaha gadaashiisha ee ka maamulaayaan taajiriinta Reer Imaaraad oo ciyaaraaya kubad aan nuuceeda weli la arag.

Warbaahinta Carabta oo Ka Warantay imaaraatka oo Waayay Saaxiibkood Xasan Sheekh oo Saldhiga Berbera Usaxeexay, Madaxwaynaha Cusub ee Farmaajo oo Dagaal Siyaasadeed Kala Dhexeeyo iyo Sacuudiga oo Taageeray,

Comments

comments