Xaalado kacsanaan ah oo ka jira Garowe iyo Boosaaso, Ciidamo gadoodsan oo soo galay Gudaha Magaaloyinka Daawo Sawirro!

Xaalad kacsanaan ah ayaa saaka ka jirta magaalada Garowe, kaddib markii ciidamo hubeysan oo ka yimid magaalada Gaalkacyo ay xirteen qeybo ka mid ah magaalada Gaakaciyo iyo Garoowe Xarunta Baarlamanka Putland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka Puntland, halkaasoo ay diideen in la galo, lagana soo baxo.

Sidoo kale Ciidamada ayaa diiday in la maro wadada bartamaha magaalada marta, iyagoo ka celinaya dadka iyo gaadiidka
Ciidamadan ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan muddo heysata, waxayna ku eedeeyeen Maamulka Gaas inuu dayacay oo aan wax xuquuq ah siin muddo bilooyin ah.

Dhinaca kale Ciidamada Puntland ee ku jiray difaaca aagga Galgala ayaa la sheegay inay qaarkood ka soo baxeen, isla markaana gudaha u soo galeen magaalada Boosaaso, Madaxweynaha Putland kaligiis cunne noqday oo lagu dhagan yahay kadib markuu mushaaraad siin waayay Ciidanka Putland oo qaati ka taagan…..

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa wajahaya kacdoon uga imaanaya shacabka iyo ciidamada, kuwaasoo ku eedeeyay in maamulkiisa ku fashilmay waxyaabo badan oo ay ka mid yahay bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada.

Siyaasiyiin uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in Puntland u baahan tahay bad baadin, maadaama Maamulka C/wali Gaas ay ku fashilantay waxyaabihii loo igmaday.

Ma ahan markii u horeysay ee ay gadood sameeyaan ciidamada, waxaana tan iyo markii Madaxweyne Gaas xilka la wareegay sanadkii 2014 joogto noqotay gadoodka ciidamada ka cabanaya mushaar la’aan oo marba xarumo muhiim ah la wareegaya.

ciidamo-gadood

ciidamo-gadood1

Comments

comments