Daawo Sawirro: Qeybo kamid ah Gubashadii Suuqa Bakaaraha iyo Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay !

Wararkii u dambeeyay oo aan ka heleyno suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in dabkii saaka waaberigii hore qabsaday qeybo kamid ah suuqaas uu weli sii hurayo, waxaana daminta dabkaas ku howlan gaadiidka dab-damiska ee gobolka Banaadir iyo kuwo kale oo ay leeyihiin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay oo ay Hormuud ka midtahay.

Suuqa Khaliifa oo aheyd meeshii markii hore uu dabka kacay ayaa mid kamid ah ganacsatada ku sugan suuqa Bakaaraha waxaa uu Radio Muqdisho u sheegay in gebi ahaanba suuqaas uu baabi’iyay dabka, isla markaana hadda lagu howlan yahay sidii aanu u gaari laheyd qeybaha kale ee suuqa weyn ee Bakaaraha.

wararka kale ayaa sheegaya in 3 qof ay ku dhinteen dabka saakay qabsaday Suuqa Bakaaraha, waxaa sidoo kae lasoo sheegayaa in ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay dabkaasi iyo hanti aad u badan ayaa ku basbeeshay, iyadoo dad badan oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo hantidooda tiilay suuqa dabka uu baabi’iyay ay ku cerytoobeen musiibada ka dhacday suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wariyaheena Cali Axmed Sheekh oo kamid ah warfidiyeenada suuqa Bakaaraha gaaray ayaa soo sheegaya in meelaha uu dabka baabi’iyay ay kamid tahay; qeybaha lagu iibiyo  maacuunta, bacaadlaha dharka, suuqa sarifka lacagaha qalaad iyo qeybo kale.

Dadweyne oo aad u badan isla markaana ka kala yimid xaafadaha ku dhow dhow suuqa Bakaaraha ayaa gaaray suuqa, kuwaas oo qeyb ka qaadanaya badbaadinta alaabaha yaala meelaha uusan weli dabku gaarin oo laga cabsi qabo in uu ku soo fido.

Wariye Cali Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in ku dhowaad 20 gaadiidka dab-damiska ah ay ku howlan yihiin daminta dabka isla markaana inta badan ay ku guuleysteen in ay xakameeyaan dabka.
Ilaa iyo hadda ma cada sababta dhalisay dabkan khasaaraha badan geystay ee xalay goor dambe ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha.

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

Comments

comments