DAAWO: Waxgarad si Kulul uga hadlay Dagaalo uu Dhiig Badan ku daatay oo Dhexmaray Beelo kawada tirsan Abgaal muuqaal!

Tuulooyin u dhow dhaw degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, ka dib markii ay halkaasi ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya beello degaankaas wada degan oo ah Abgaal.

Dagaalladan ayaa salka ku haya dilal la xiriira aanooyin qabiil oo labada beelood horey u soo dhexmaray kuwaasoo uu xusay iney hadda isu rogeen dagaalo toos ah, Dagaalada ugu xooga badan ayaa waxa la soo sheegayaa iney ka dhaceen tuulada Burdheere oo 25km u jirta Cadale halkaasoo sida lagu soo waramayo la gubay guryihii ku yiilay iyadoo dadkaas kudhibanaayeen abaaro jira.

Wararka ayaa sheegaya in masjid, xarunta Hormuud iyo dhowr guri ay ka badbaadeen dabka la qabadsiiyey tuuladaas, iyadoo qoysaskii degenaana ay horey uga qaxeen dagaalka halkaas ka socda arintaan ayaa ka jiifa maamulka Hiirshabele iyo dowlada.

Waxgaradka Iyo Odayaal Kulan ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay Dagaalada Xiligan u dhexeeya, Dadka Wadadhashay, Sidoo kalana Madaxwayne ku xigeenka Hir-shabeelle ayaa sheegay inay Tallaabo ka qaadi doonaan.

Comments

comments