Madaxweyne Farmaajo oo Sacuudiga u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Dowlada Imaaraatka Carabta oo hungurisay Dakedda Barbara!!

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tagay Boqortooyada Sacuudiga ayaa Madaxda dalkaasi u gudbiyay dacwad ka dhan ah Dowlada Imaaraatka Carabta oo dooneysa in ay la wareegto dhul qaranka Soomaaliya uu leeyahay.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweyne Farmaajo ayaa dowlada Sacuudiga ka dalbaday in ay soo fara galiyaan qorshaha uu Imaaraatka Carabta ku doonayaan in saldhig ciidan ka sameestaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Berbera.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Sacuudiga in ay dhax dhaxaadiyaan Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraatka si ay uga wada hadlaan arintan ku aadan qorshaha Imaaraatka ku doonayo in saldhig Milatari uga sameesto Garoonka Diyaaradaha Berbera,

Farmaajo ayaa kala hadlay arinta ku aadan saldhiga Milatari ee Imaaraatka ka sameesanayo Barbera Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasis oo ah ku xigeenka ninka sugaya dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, waxaa sidoo kale kulankaas qayb ka joogay Wasiirka Arimaga Dibada Sacuudiga iyo Madxa kale.

Dowlada Cusub ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid aan raali ka aheyn qorshaha ay Dowlada Imaaraatka Carabta kula wareegeyso garoonka Diyaaradaha magaalada Barbera si ay halkaasi saldhig milatari uga sameestaan.

Maamulka Somaliland ayaa kula heshiiyay dowlada Imaaraatka in saldhig milatari ka sameesato Garoonka Diyaaradaha Berbera, waxa ayna heshiiskan Maamulka Hargeysa ku badasheen dhaqaalo badan aan cadadeeda la shaacin Dadkaas oo ah Lacagay lacag.

Comments

comments