Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Mooshin laga keenay qarkana usaaran in labadallo!!

Xildhibaanno ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland ayaa Mooshin ka keenay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi kuwaas oo ku saaxiibo ah lunshashada Hantida Maamulka iyo ku takri falidda Awooda Maamuulkaas.

Xildhibaanadaan oo ku sugan Garowe ayaa ah kuwo Mucaarad ah oo ka soo horjeeda Xukumadda uu Hogaamiyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali.
Waxaa ay ku Eedeeyeen in Xukumadda C/wali Maxamed Cali  Gaas aysan wax badan qaban islamarkaana ay Waqtigeedii ku lumisay Waxyaabo aan Micno la heyn sida tagidda Dalka Kenya iyo Itoobiya kuwaas oo utaga sidii loo laciifin lahaa Qaranka Soomaaliya.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Maalmahaan Joogay Boosaaso ayaa Safar Deg Deg ah ku yimid Garowe si uu u Xaliyo Mooshinka ay ka wadaan Xildhibaanada qaar ee Puntland Xildhibaanadaan ayaa Mowshinka soo waday mudo lamana oga siduu ku hergalidoona.

Comments

comments