DAAWO MUUQAALKA: Shaqaale reer galbeed ah oo laga ceyriyey Somaliland iyo maamulka oo faahfaahin ka bixiyey!!

Maamulka Somaliland ayaa degaanada hoos taga ka ceyriyey labo qof oo ka tirsanaa howlwadeenada hay’adaha DRC iyo DDG ee laga leeyahay dalka Denmark.

Labada ruux ee la ceyriyey oo lagu kala magacaabo David iyo Necloy ayaa u dhashay dalka Denmark waxayna ka tirsan yihiin shaqaalaha Hay’ada miino baarista ee DDG iyo Heyadda Qaxootiga ee DRC.

Waxaa lagu eedeeyey inay u gefeen Diinta Islaamka, maamulka Somaliland ayaana ka masaafuriyay Somaliland ka dib markii uu kala tashaday heyadaha ay ka tirsanaayeen.

Wasiirka Qorsheynta Somaliland Maxamed Aadan Qabo ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka Somaliland ay ceyriyeen labada qof ka dib markii ay dhibsadeen shacabka Somaliland.

Haweeneyda ayaa la sheegay inay aflagaadeysay darawalkeeda oo salaad dukunayay xilli ay ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, halka Ninkana uu sababsaday markii uu wax ka sheegay aadaanka Salaadaha ee laga maqlo Masaajidada.

Comments

comments