MUUQAAL: Madaxweyne Farmaajo ayaa kubaaqay in la joojiyo Dagaal beeleedka kasocda Marka iyo Deegaanada katirsan Cadale DAAWO!!

Madaxwayne Farmaajo oo Ka hadlay Dagaaladii Sokeeye ee dalka kadhacay iyo Qorshaha Xukuumada Cusub qaban doonto,
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi  Farmaajo  ayaa ka hor hadlay Baarlamaanka Soomaaliya waxa uuna uga Mahad celiyey Sida ay Codka u siiyeen Raysal wasaare Xasan Cali Khayre. “Waxaan idiinkaaga mahadcelinaya Baarlamaanka sida aqlabiyada leh ee aad codka kalsoonida u siiseen Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre, Waxayna muujinaysaa in Midnimadii Soomaaliya ay Bilaabatay.”

Wuxuu ka Hadlay Qorshaha ay ku shaqayn doonto Xukuumada uu Hogaamiyo “Dowladaydu sidaan idiin sheegay waa nabad iyo dib u heshiisiin, Dadka Soomaaliyeed geed walbo iyo geed gaabanba waa ugelayna isu keenidooda sida walalaheen Somaliland.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay Caqabadaha hor yaala Dawlada “Qolada dhibka nagu haysa hadii aan midowno oo heshiino is kaashano , alshabaab hal lug bay ku taagantahay lugtaasina waa u bixinayna . kuwaa la khalday ee caruurteena feker khaldan qaadateen soo noqda walalahiin usoo noqda waalidkiin u soo noqda”.

Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Farmaajo ka hadlay Dhibaatooyinkii Hore ee dhacay, Wuxuuna sheegay inaysan Soomaaliya dib ugu Noqon doonin ee Horay loo socon doono. “Dhibkii dhacay qaxii dhacay, isdilkii dhacay , diintii islaamka oo la xumeeyay, waxaan kaga soo gudubnay 26sano , hada waxaan u dhaqaaqeyna dhinaca dimuqraadiyada , dadku simanyahay , hadii minority yahayna xisbi buu minority ku yahay qabiil
kuma ahan”

MUUQAALKA HALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments