War Deg Deg ah Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta si rasmi ah u ansixiyay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya!!

Kulanka Baarlamaanka ee Kalfadhiga 1 aad ee Barlamaanka Soomaaliya ee ay ku yeesheen xarunta golaha Shacabka ayaa ka koobnaa qodobo dhowr ah ajendihiisu, sided qodobo oo ay ugu muhiimsaneyd codka Kalsooni siinta Barlamaanka Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb-galay madaxweynaha Soomaalyia oo Barlamaanka hor keenay Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa furay kalankaan aan caadiga aheyn, isagoo Barlamaanka ka hor akhriyey farriinta Barlamaanka ee ku socota Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya haddii uu Codka Kasoonida ka helo Barlamaank, isagoo faah-faahiyey tallooyinka iyo marxaladdaha la wajahayo ee la doonayo in ay iskula jaan-qaadaan Xukuumadda la soo dhisi doono iyo Barlamnaanka Soomaaliya.

Comments

comments