Madaxweyne Gaas oo Dab ku shiday Xaalada Boosaaso yirina N Xarrago Waa Shabaab !!

Cabdi wali Gaas oo yasay Nabadoonka Beesha Boosaaso Asaga oo udiiday inuu Nabadoonimo, kulaa “Ninka Nadoonka lagu sheegaayay ee lajira Alshabaab” Nabadoonkaan ayaa xuriyadiisa kuwaayay Dadka aan udhalan Daarood ee Dagan Boosaaso yaan Xaqdaro lagu xukumin.

Madaxweynaha Maamulka PuntLand Cabdi Wali Gaas ayaa dab kusii shiday xaalada magaalada Boosaaso kadib markii uu sheegay in Nabadoon Xarrago uu yahay Al-shabaab.
Xariga Nabaddoonka ayaa ka yimid markii uu booqasho ku tagay Xabsi ay ku xiran yihiin 7 dhalinyaro ah oo dhawaan maamulka Puntland ay ku xukumeen dil Toogasho ah , islamarkaana uu warbaahinta u sheegay in uu soo Arkay jirdil Ba’an oo loo geystay intii dhalinyaradaasi ay xabsiga ku jireen kuwaas oo lagu qasbay inay qirtaan Shabaanimo kadibna maxkamada Cabdiwali ay Xukuntay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in nabadoon uusan aheyn isla markaana qof walba oo lagu garab arko AlShabaab ay sidoo kale Shabaab yihiin “Ninkan hadda la sheegayo oo nabadoonka isku sheegay waxaan uhaysanaa Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas.
Nabaddoon Cabdiqaadir Axmed Xarrago ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda in uu kasoo muuqdo Maxkamad ku taalla Magaalada Boosaaso, Xadhiga Nabadoonkaas ayaase Qalalaaso xoogan ka abuuray magaalada Boosaaso iyadoo ay dad badan ka caroodeen xariga nabadoonka.

Halkaan hoose ka dhagayso

Comments

comments