:-Gudoomiyaha Ganacsatada Gobalka Banaadir Oo sheegay in ay Hanti fara badan ku Gubatay Suuqa weyn ee Bakaaraha!!

 Gudoomiyaha Ganacsatada Gobolka Banaadir C/naasir Cali Maxamed oo la hadlayey Raadiya KNN ayaa Sheegay in Hantidii Ku gubatay Suuqa ugu weyn Soomaaliya Ee Bakaaraha inay gaarayso 4-milyan oo Doolar.

Waxaana uu Gudoomiye C/naasir Cali Maxamed sidoo kale u tacsiyadeeyay Dadkii ku dhintay dabkaasi.
Bilowgii isbuucaan ayay ahayd Markii uu mar kaliya Suuqa weyn ee Bakaaraha uu ka kacay Dab aad uweyn  Xili waa beri ah oo dadka intooda badan ay kujireen xiliga Hurdada . waxaana Dabkaasi Ku hanti Beelay Ganacsato Fara badan Oo ay ka Gubatay Hantidoodii.

Waxaa Dhowr jeer  oo hore Suuqa weyn Ee Bakaaraha kusoo noqnoqday Dhacdadaan oo kale balse waxaa xusid mudan Dabkii Isbuucaan kakacay Suuqa Bakaaraha uu yahay Dabkii ugu Xooganaa  ee  Ebid ka kaca  Suuqaasi, wallow Hey,adaha Amaanka Soomaaliya aysan ka hadalin qaabka uu Dabkaas ku bilowday iyo siday ku timid inuu Gubto Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya, baaris la sameeyay oo natiijo laga keenay malahan.

Comments

comments