Jabhad soo dagaalameysay muddo nus qarni ka badan oo go’aansatay inay hubka dhigtaan Daawo Sawirro!!

Xoogaga Mucaaradka dalka Colombia ee FARC ayaa shaaciyay in maanta laga billaabo ay hubka iska dhigi doonaan.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii ay wada gaareen heshiis nabadeed kooxda iyo dowladda bishii November ee sanadkii hore.

Hogaamiyaha kooxda FARC, Ivan Marquez, wuxuu sheegay in kooxda ay billaabeyso inay hubkeeda tiriso ka hor intaysan ku wareejin kor-joogtada Qaramada Midoobeey.

Ivan Marquez ayaa xusay in taasi ay cadeyneyso sida FARC ay daacada uga tahay nabada iyo heshiiska la gaaray.

FARC waxay sheegtay in dagaalyahannadeeda ay iska diiwaangelin doonaan xafiiska Qaramada Midoobey, marka ay hubka wareejinayaan.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay sheegaan meelaha ay ku jiraan miinaayiinka ay horey u aaseen.
Dagaalyahano 7,000 ka badan oo ka tirsanaa kooxdaas ayaa hadda billaabay inay isugu tagaan 26 xarumood oo si ku meel gaar ah ay u degi doonaan.

Colombia waxaa ka socday dagaal sokeeye, in ka badan konton sano kaasoo u dhexeeyey ciidamada dowlada iyo kooxo falaago ah.

Dowladda Colombia ayaan weli heshiis la galin koox kale oo mucaarad ah oo lagu magacaabo ELN, waxaana socda wadahadalo ay dowladu fileyso in nabad lagu gaaro.

fal

fal1

fal2

fal3

fal4

fal5

Comments

comments