Nabadoonka Beesha Ilaaway Cismaan ayaa Codsaday in si dhah ah loo joojiyo Dagaalka ka socda Degmada Cadale kaas oo udhaxeeya Walaalha Abgaal Cismaan!!

Nabadoonka Beesha ilaawaay Cismaan, ee Shabeelaha dhaxe Nabadoon Axmed Muuse ayaa Codsaday in si deg deg ah loo joojiyo Dagaalka ku soo noq´noqday Shabeelaha Dhaxe qaasatan Degmada Cadale oo haatan ee ka jiraan Abaara ba´an iyo Dagaal Qaraabo.

Beesha ilaawaay Cismaan oo ah yaraanka 4ta Cismaan Danadoole Muduleed ayaa Siyaasiinta, Ganacsatada, Culumaa´udiinka iyo Bulshada wax garadka Abgaal Cismaan ka codsaday inay ka dhabeeyaan xalinta qilaafaadkaan haatan taagan loona kuur galo sidii dib ha shiishiinta looga bilaabi lahaa Degmada Cadale oo haatan xataa Guryahii la iska gubooyo iyadoo loó aanaynaaya Qabyaalad.

Dagaalka ka dhacay tuulooyinka Degmada Cadale waxaa ku dhintay Dhalinyaro Labaatameeyo ka badan iyo tuulo 200 guri ka badan waa lagu gubay, ilaa iyo hada wax ka hadkay mala maqal oona arintaan ku baxay dhalinyarada is dileeysa, waxaa Codsi loodiraaya Islaamka gaar ahaana Ganacsatada, Duubabka, Siyaasiyiinta iyo Culimada Beesha Abgaal.

waxaa iigu calool xumo badan ciidankii kala dhex galay, ee uu hogaaamiyaha u yahay Halyeey Colonel Qoondhe nuur, ilaa xalay biyo iyo cunto ma heystaan waxaana laga yaabaa in ay ka soo dhex baxaan hadii ay u adkeysan waayaan rafaadka iyo haraadka,

hadii dhibkaasi mido 10 jeer ka yar uu gobolada qaar ka dhici lahaa Waxaa lo aqoonsan lahaa Masiibo Qaran, Bal is weydii sababta kuwaan ay Dowladda iyo Waxgaradkoodaba uga aamusan yihiin meelaha kalena Gurmad deg deg ah loogu diro.

Comments

comments