Haweeney xubin ka aheyd Baarlamanka Yurub oo shaqadeeda ku weysay sawirro ay faafisay+ warbixin!!

Xubnaha Baarlamaanka Yurub ayaa xasaanadda ka qaaday hogaaamiyaha xisbiga midigta-fog ee dalka Faransiiska Marine Le Pen, taasoo dhinaca kale ka mid ah musharaxinta u taagan doorashada Madaxweynaha dalkaas.

Waxaa lagu haystaa inay Twitter-ka gelisay sawirro qalalaase muujinaya oo laga soo qaaday kooxda Daacish.

Le Pen waxaa baaritaan ku haya dacwad oogayaasha Faransiiska ka dib sawiradaasi oo uu ka mid ahaa mid muujinaya saxafi u dhashay Mareykanka oo daacish ay madaxa ka jarayso.

Xildhibaanada midowga Yurub ayaa waxay leeyihiin xasaanad aan lagu dacweyn Karin, waana taas sababta looga qaaday xilka Le Pen si dacwad loogu soo oogo.

Codeynta baarlamaanka Yurub oo si aqlabiyad ah u dhacday, waxayna meel mariyeen go’aan shalay uu qaatay guddiga dhanka sharciga ee baarlamaanka midowga Yurub oo an in Le Pen xasaanadda laga qaado.

Le Pen waxay diiday go’aanka looga qaaday xasaanadda waxayna tiri: “Waa qeyb ka mid ah hannaanka lagu doonayo in lagu joojiyo musharraxa shacabka Faransiiska ee aan ahay”.

Eedeynta waxay soo billaabatay sanadkii 2015-kii, xilligaas oo barteeda Twitterka gelisay sawir ay uga jawaabeysay farshaxan ayada laga sameeyay oo lagu barbardhigay sida ay soo galootiga u diidan tahay iyo daacish.

Weriyaha la dilay James Foley, waalidkiisa waxay ku eedeeyeen Le Prn iney sawirka wiilkooda ay u adeegsatay danaheeda siyaasadda.

Comments

comments