Cumar C/rashiid oo la sheegay inuu wax ka oogaa Heshiiska Imaaraadka ee Saldhiga Berbera!!

Muumulka Isku sheega Soomaaliland oo dakadda Berbera loo gaday, iyagana lagu adeegtay oo kaliya…………….

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa la sheegay  inuu wax ka ogaa heshiiskii Imaaraadka Carabta ee Saldhiga Milateri ka dhisaneyso magaalada Berbera, kaasoo muran badan dhaliyay.
 
Ismaaciil Hurre Buubaa oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda dowladdii KMG aheyd, haatana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Wadani, ayaa sheegay in Cumar C/rashiid uu ku lug lahaa heshiiskaas.
Mr Buubaa oo la hadlayay wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa kashifay in Cumar C/rashiid qeyb ka ahaa heshiiskaas, isagoo xusay in Somaliland kaliya aanay heshiis geli karin.

“Warar sugan lama hayo, mana aha in warar ku tiri kuteen ah la sheego, laakiinse waxaanu iska garanaynaa in dawlad kasta oo Xamar timaada ay aragtideeda ka bixinayso, waayo kuwii markii horeba u ogolaaday Imaraadka waxay ahayd Dawladdii hore ee Cumar Cabdirashiid, waana laga war hayey, wax la isla ogaa bay ahayd,  maahana wax Dawladda Xamar aanay ka war hayn, ee yaan dadka been loo sheegin”ayuu yiri Ismaaciil Buubaa.

Xisbiga Mucaaradka Wadani ayaa si weyn uga soo horjeeda heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka ee saldhiga Milateri kaga dhisanayaan Garoonka diyaaradaha Berbera, waxaana kulankii labada Gole ee Somaliland ku ansixiyeen heshiiskaas ka dhashay muran iyo gacan ka hadal keenay in dibadda loo saaro Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Wadani.

Dowladda Farmaajo ayaa dhowaan muujisay sida aanay ugu qanacsaneyn Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisaneyso Berbera, waxaana Madaxweynuhu arrintan uu kala hadlay dowladda Sacuudiga oo saaxib dhow la ah Imaaraadka, in arrinta saldhiga Milateri ay ka baaqsato.

Waa markii u horeysay ee soo shaac baxdo in Mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Soomaaliya inay ku lug lahaayeen heshiiska muranka badan dhaliyay ee Imaaraadka Carabta saldhiga Milateri kaga dhisaneyso magaalada Berbera.

Comments

comments