Madaxweynaha Hirshabeele Oo Dowladaha Deriska ku eedeeyay in ay Hub siiyaan Maamul Goboleedyada!!

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele Cali C/llahi Cosoble ayaa  sheegay in ay Dowlada Deriska Hub siiyaan Maamul Goboleedyada Dalka kajira kuwaasi oo  Si sharci daro ah loo soo geliyo Deegaanada ay ka arimiyaan Maamul Goboleedyada.

Waxaana uu Cali C/laahi Cosoble uu sheegay in ay Dowlada Dhexe aysan ka warqabin Hubka lasiiyo maamul Goboleedyada isagoona sheegay in arintaan ay ka dhalan karto halis Dhanka amaanka ah.

Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble Ayaa sheegay in indhihiisa uu ku arkay Hub fara Badan oo lasiinaayo Mid kamid ah Dowladaha Maamul Goboleedyada kajira Soomaaliya.

Sidoo kale Cosoble Waxa uu Baaq u diray Madaxweynaha Dowlada Federaalka Ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo Isagoona ka Codsaday in ay Arintaani wax ka Qabtaan oo ah arin Halis ku ah jiritaanka Dowlada Federaalka.

Comments

comments