Wasiir iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed ee Itoobiyan isku sheega Amaison Xabsi dhiggeen!

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in deegaan kuyaala dulkeeka Marka lagu xiray Wasiir iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ee Degan xero kutaala deegaanka Ceel Jaalle ayaa shalay u yeeray Wasiirka Gargaarka iyo Naafada Koofur Galbeed,Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose iyo Guddoomiyihii hore ee Magaaladaa Marka.

AMISOM ayaa la sheegay in masuuliyiintan weydiiyeen halka ay ku dambeeyeen lacago gar gaar ah oo loogu tala galay dadka ay abaartu saameysay oo loo soo dhiibay, waxa ayna markii dambe u taxaabeen xabsi iyaga u gaar ah.

Masuuliyiintan ayaa la sheegay in xalay ku hoydeen xabsiga ay maamulaan ciidamada AMISOM, waxaana la sheegay in ay ku socdaan baaritaano ku aadan lunsashada lacago gar gaar oo maamul Koonfur Galbeed ugu tala galeyn in loogu gurmado dadka abaartu saameysay.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan wali ka hadlin xarigan la sheegay in ciidamada AMISOM u geesteen masuuliyiin katirsan mamaulkaasi, waxaana arimahan imaanayaan xili horey looga digay in la musuq maasuqo gar gaarka loogu tala galay dadka abaartu ay saameysay.

Comments

comments