DAAWO MUUQAAL Cuntitaanka Muusku Waxay Daawo ka Tahay Hurdo La’aanta iyo waxyaaba kaloo badan !!

Baaritaano hor leh oo lagu ogaaday faa´iidooyin badan uu Muuska leeyahay waxaana Caawa  halkaan ka Akhrisan kartaan qaar kamid ah Faa´iidooyinka uu Mooska kuu leeyahay waxaan ukala saaridoonaa dhowr qodob oo ka kooban yahay!

Muuska waa Qudro ugu dhadhan wanaagsan Cunitaankeedina ay  jacel yihiin dhamaan Dadka waawayn iyo Kuwa yar yarba,
waxaana isticmaalkiisa ku Jira faa´iidooyin balaaran, Iyagoo ku jiraan Xaddi kamid maadooyinka Sonkorta, Borotiinka, iyo Xaddi badan oo kamid ah faytimiinaadka, oo ay sooraacaan macaadiinta dhanaanka leh.

Muuskuna waa Qudradda ee Bini´adamka ka heli karaan Tamarta Dabeeciga ah ee ugu wanaagsan mana lahan wax aqabad ah ama korastarool.

waxuuna Isticmaalkiisa hoos udhigyaa dhiigkarka, isagoo daraasadahii laga sameeyay cadeeyeen inuu yahay cuntooyinka qofka u wanaagsan maadaama ee ku jiraan macdanaha birta iyo kuwa kale dhanaanka leh.

waxuuna isticmaalkiisu kaa taageeraa in baarkaadi shaqadiisa caadi uqabsaya isagoo sidoo kale yareeya Xanuunada kiliyaha.

Faa´iidooyinka kale isticmaalka Muuska lee yahay waxaa kamid ah, isagoo ah Cunto kamid ah cuntooyinka faa´iidada le, maadaama Caloosha uu ka saaryo Gooryaanka, waxaana ku Jira maadada fusfedka.. oo ah maado ee ubaahan tahay oo laga ma maarmaan ee utahay qaybta xasuusta ee maskada Aadamahu.

Cunitaankiisa Subaxnimada hore´na waxay keentaa inuu Muuska ka hortaga lab jeexa iyo Gaasta isla markaasna sahlo howsha qaybta dheefshiidka Jirka,

haddaba iyadoo faa´iidooyinkas iyo kuwoo kale´ba uu leeyahay cunitaanka Muuska, ayaa hadana waxaa jirta inuu muuska Daawo buuxda ka yahay hurda la´aanta, ama hurdo yaraanta waxaana daraasadahii laga qaaday muujiyeen qofka Hurdada ubaahan inuu cuni kara mir ama 2bo Muus ah kadibna uu qofkaas fadhiisto mudo 10 daqiiqa ah, isagoo aan samayn wax dhadhaqaaq ah. waxaana hubaal noqodoonta inuu qofkaas gamoonaaya ama hurdoonaaya.

waxaa kale oo jirta in qabta muuska ama diirkiisa uu faa´iido wayn u leeyahay dhal´dhalaalka iyo qurxinta jirka. iyadoo Culimadu cadeeyeen in diirka muuska oo lagu masaxo jirka sida wajiga oo kale ay taas keenayso in midibka jirka cadaado oona iftiimyo.

waxuuna diirka muuska gacan ka gaysan karaa masaxaada wajiga iyo baa´inta finanka wajiga, cunitaanka muuska waxuu faa´iidooyin u leeyahay dadka qabta Shaqooyinka Cul culus waxuuna dhisaa oo xoojiyaa Muruqyada Jirka amaba uu kordhiyaa awoodooda. maadaama muusku leeyahay macdanta kaashimka, fusfeedka, iyo xadiidka ama birta. sidoo kale ee muuska ka buuxaan faytimiinaadka kala ah A, B1, B2 B6, B12 iyo waliba Faytimiinada kale ee D iyo J. waxaana Muuska kujiraan maadooyinka kale karboonhaayareedka iyo Borotiinku uu isticmaalkiisa u wanaagsan yahay Haweenka uurka leh iyo kuwa jaqsiinaaya Ubadkooda.

(Xogta Dahsoon) Muuqaalka halkaan hoose ka daawo

By KOWTHARMEDIA.COM

Comments

comments