Daawo muuqaalka: Madaxwayne Erdogan oo Weerar ba’an ku qaaday dalka Jarmalka!!

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan ayaa si kulul ucambaareeyay dowlada Germany kadib markii ay Jarmalku hor istaagay banaanbaxyo lagu taageerayo aftida loo qaadayodastuurka cusub ee Turkiga kuwaas oo ay kasoo qeyb gali lahaayeen wasiiro katirsan xukumada Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Jarmalku ku dhaqmayo talaabooyin lamid ah kuwii uu ku dhaqmi jiray xiligii Naziyiintu ka talinayeen Germany “Waxay diideen in saaxibadeen hadal ka jeediyaan Germany.Ha sameeyaan sidaas,ma waxaad moodaysaan hadii wasiir Turki ah loo diido inuu ka hadlo Germany in natiijada aftidu iska badalayso Haa oo isu badalayso Maya,? ayuu yidhi madaxweyne Erdogan.
“Jarmallow waxaad dimuqraadiyad ka ogtahay majirto.Talaabooyinkii aad maalmo dhawyd ku dhaqaaqday waxba kama duwano kuwii xiliga Naaziga.Hadii aan doono berri ayaan imaanayaa Germany,hadii aad iga hor sitaagtaan gelitaanka Germany ama aad iidiidaan inaan khudbad ka jeediyo Germany waxaan dab ku daari doonaa aduunka oo dhan,” ayuu markale yidhi madaxweyne Erdogan.
Ma aha Germany oo kaliya,waxaa sidoo kale banaanbaxyadan hor istaagay dalka Holland.Xidhiidhka ka dhaxeeya dalalka Yurub iyo Turkiga ayaa xumaaday laga soo bilaabo afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga bishii July ee sanadkii la soo dhaafay.

MUUQAALKA HAALKAAN HOOSE KADAAWO

Comments

comments