Daawo Muuqaal Xog: Maxaad ka ogtahay Sababta Xasan Sheekh uu ugu soo Hoos Noqday Xildhibaanimo?

Maxaad ka ogtahay Sababta Xasan Sheekh uu ugu soo Hoos Noqday Xildhibaanimo? iyo Digniin ku socoto Muxamed C/ Farmaajo!

Horay waxaa wax la iska waydinaayay Tastuurka Jifada Maxamuud Salaabeen ee ku maamulaysay Putland iyo Tastuurka Beesha Isaaq ee Soomaliland ku maamulaysay, sidoo kale sidaas camal waxaana Tastuuradaas samaystay Qoomiyada Tigrayga oo Iyadana ku maamusha Qoomiyadaha Itoobiya, oona ah Tastuurka Tigrayga lagu maamulo Dalkaas. maahmaah “Qofka  aad Kabahaada ka tolanaysid Kabtiisaa ayaa lafiiriyaa”

micnaha Qof aan Tigray ahayn Itoobiya Xukumi maayo, Qof aan Isaaq ahayn Xukumi maayo Soomaliland, qof aan Maxamuud Saleebaan ahayn Xukumi maayo Putland, waana sida ku qoran Tastuurada udagsan Maamuladaas iyo Tigrayga. waxaa Itoobiya Qabyo ka ahayd Jubaland iyo Muqdisho oo aan weli loo samayn Tastuur qabiil, Qof ay kula hashiiyeen. Qab-yadaas waxaa dhamaystiri rabay Xasan Sheeq laakiin dhalinyaro Balamanka Soomaaliya kusoo biiray ayaa Doonta lagidiyay Damacii Tigrayga iyo Xasan Sheeq ay ku socdeen.

waxaa kusoo darsoomay Madaxwayne Xasan Sheeq oo garab buuxa ka haysta Itoobiya iyo walashayn Kenya. kuwaasoo doonaya siday ku qaarajin lahaayeen madaxweynaha Soomaliya Muxamed Cabdulaahi Farmaajo micnaha waxay rabaan in lasoo doorto Xasan sheeq ayna qaarajiyaan Madaxweynaha Cusub.

waxaa laga yaabaa inay Khaarajintiisa ee u adeegsadaan dhowr arimood 1: Saxir lagu hoosgeeynaaya Tigrayga. 2: inay u isticmaalaan Dil iyo Qaarajin loogu gaysanaaya gudaha Dalka Soomaaliya. 3 markay Dalalkooda ku martiqaadan waxay isku dayi doonaan inay usumeeyaan Raashinka ama inay Shaahi ama Cabitaanka ay ugu daraan Sun.

Sida Cabdi Kariin Guuleed oo Shaahi loogu Soo sumeeyay Jigjiga, mar uu joogyay uuna ilaa iyo hadeer laxanuusanaaya asagoo dhowr mar qaliin wadnaha looga sameeyay micnaha dhayadii dhaawacii suntan ayaa garaafaysay.

Xalka waxuu noqon karaa maadaama Dowlada iyo Shacabka Soomaaliya rajadeedu ay tahay Muxamed Cabdulaahi Farmaajo in uusan aadin Dalalka Dariska uuna badalkiisa dirsayo Ra´isalwasaaraha Soomaaliya, micnaha inuu Asaga u wakiisho shirarkaas iyo kulummada Madax Afrika oo qaar hadeer uu waraaqo casuumo uu ka haysto.

Muuuqaalka iyo siday Dadka u arkaan Dhagarta Cadowga Soomaaliyeed Muuqaal Halkaan hoose kadaawo,

w/ Daangaale ahna tifatiraha kowtharmedia.com

Comments

comments