War Deg Deg ah:- Milatariga Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho laga saarayo + Warbixin!

Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Go’aamiyay in Magaalada Muqdisho laga saaro Ciidamada Xogga dalka Soomaaliya islamarkaana Sugidda Ammaanka Caasimadda lagu Wareejiyo Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed{Buud) oo Warbaahinta kula hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Magaalada laga saarayo Ammaankana ay Xaqiijin doonaan Nabad Sugidda iyo Booliska islamarkaana Taliyaasha Ciidamada ay sidaa isku raaceen.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Milatariga ayaa sheegay in Gacanta lagu Haayo Askari ka mid ah Ciidanka Milatariga oo Shalay Soobe ku dilay Wiil Dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Ammar ku bixiyay in Sharciga la horgeeyo Askarigaas Dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed islamarkaana lagu Fuliyo waxa uu Sharciga ka helo.

Comments

comments